|
Muqdisho, (insidesomalia.org)- Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay ansixiyeen in wadanka Soomaaliya loo soo diro Ciidamo caalami ah oo kasocda Qaramada Midoobey, ku waasoo badalaya Ciidamada haatan jooga Wadanka Soomaaliya ee Midowga Afrika.
Kadib Kulan xasaasi ah oo xalay ay yeesheen Xubno Golaha Amaanka ayaa waxaa ay isku raceen intabadan Wadamada awooda ku leh Golaha amaanka in Ciidamo Nabad ilaalin ah loo soo diro S Soomaaliya.
kulanka oo ahaa mid aad u adag ayaa ugu dambeyntii muuwduuca ugu wayn ee laga hadlay ayaa waxaa uu ahaa Arimaha Soomaaliya, iygoo Xubnaha intooda badan qalinka ku duugeen in Ciidamo Nabad ilaalin ah loo soo diro Soiomaaliya.
Golaha amaanka ayaa waxa ay codsadeen in Xafiisyada UN-ka ee ku yaala Magaalada Nayroobi loo soo raro Magaalada Muqdisho iyo in Ciidamada loo soo dirayo Wadanka Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan.
Golaha amaanka ayaa waxa ay aad u taageereen dadaalada uu wado Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxeyna meesha kasaareen dalabkii ahaa in aan wadanka Soomaaliya loo soo dirin Ciidamo Kasocda Qaramada Midooobey ilaa xaalada Dalka Soomaaliya ay ka dagayso.
Safiirka ufadhiya wadanka Konfur Afrika Qaramada Midoobey Demising Korimako ayaa waxaa uu sheegay in Golaha ay ka go’antahay in Soomaaliya Xaaladeeda wax laga qabto.
|